In ka badan 2l xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka DKMG ee Soomaaliya Kulan ay damacsanaayaeen inay ku sheeshaan Hotel Ambasadoor ee magaalada Muqdishu ayaa waxaa is hortaagay Ciidamada Nabad sugida D

 

 Ciidamada nabad sugida ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo gacanta ku siday amar qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare C/rashhid Cumar Sharmaarke taasoo amraya inay Ciidamada Nabad sugida ay is hortaagaan kullankaasi looga soo horjeeday Xukuumada KMG ee Soomaaliya ee lagu wado inuu ka dhaco Hoytelka Ambassadoor ee Magaalda Muqdishu.
 
 
Madaxda Hotelka Ambaasadoor ayaa sidoo kale lagu wargeliyey in kullan anay dowladda KMG la socon ayan Xildhibaanada Baarlamanka ku yeelan Karin Hotelka, Sidoo kale waxa la faray Madaxda Hotelka inay kullanka maanata Xildhibaanada ay damacsan yihiin ay ishortaagaan .
Xildhibaan Maxamad Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku mowqif yihiin xildhibaanadii shalay shirka ku yeelatay Nairobi ee dalka Kenya, kulankooda ishortaaga lagu sameeyana waxa uu sheegay inuu ka mas’uul  yahay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke isagoo diidan la xisaabtan iyo waxqabad la'aanta dowladiisa inaan  shacabka soomaaliyeed gaarsiino.

Xildhibaanka ayaa waxa kale uu sheegay in maalmahani xildhibaanada Muqdisho jooga inaan loo ogolayn inay Muqdisho kullamo ku yeeshaan, arrintaasina ay tahay mid Caburin ah, waxayna sheegeen in aanay joojineynin mowshinka ay kaga soo horjeedaan waxqabad la'aanta Dowladda Cumar C/rashiid oo ay wadi doonaan inta ay gaarayaan waxqabad dhab ah iyo la socosho dhaqdhaqaaqa iyo waxqabadka ay la damacsan yihiin ummadda Soomaaliyeed ee hogaanka u yihiin.
 

Add New Comment