dhowr ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda KMG ee Soomaaliya oo dhaliil usoo jeediyay Madaxda sare ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya


Kulanka ay yeesheen  xildhibaanada ku sugan  magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya  ayaa waxaa ay uga arrinsadeen xaaladda dalka Soomaaliya, iyagoona eedeymo kulul usoo jeediyay R/wasaare C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Xukuumadiisa
Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo qeyb ka aheyd kulankaasi ayaa waxaa ay ku dhaliishay Xukuumadda KMG wax qabad la'aan iyo Lunshasho Hantida Ummaadda, iyadoo sheegtay in ay hortaagan yihiin Kulamadii Baarlamaanka.

Waxaa ay ku eedeysay Madaxda Dowladda KMG in ay waqtiga ku dhameeyeen safaro booqashooyin ay ku tagayaan wadamada caalamka iyagoo fara madhaan kala soo noqda taasoo u dhaantay inay ka shaqeyaan  arrimaha gudaha Soomaaliya
Xildhibaanada ayaa waxaa ay tilmaamtay Golaha Baarlamaanka in uusan ka war qabin heshiisyada caalamiga ah ee ay galaan Madaxda Dowladda, iyadoo sidoo kale ku eedeysay lunsasho lacago fara badan oo u badnaa kuwii balan qaadka ay u heshay Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada Nairobi ku kulmay oo gaaraya in ka badan 70-xubnood ayaa waxay sheegeen in ay la xisaabtami doonaan Xukuumada Soomaaliya, iyagoo aanay sheegin in ay dalka dib ugu laabanayaan iyo in kale.

Add New Comment