Askari ka tirsan ciidamada Ilaalada Xabsiyada ee Xarakada Al-shabaab oo horey qof u dilay ayaa xukun qisaas lagu fuliyey Fagaaro ku yaala magaalada Marko ee Gobolka Sh/Hoose.



 Maamulka Xarrakada Al Shabaab Al Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose ,ayaa xukun dil ah ku fuliyay mid ka mid ah ciidamadooda kaasoo ay ku caddaatay in uu qof si bareer ah ugu dilay deegaanka Mareerey ee gobolka Shabellaha Hoose


Goobjoogayaal ka mid ahaa kuwii daawanayay xukunka ayaa sheegay inuu u dhintay  askariga dhowr xabbadood oo lagu dhuftay, goobtaasi waxaa ku sugnaa ehellada marxuumkii horay uu u dilay kuwaasoo codsigood ahaa in loo Qisaaso Askariga Wiilkoodii dilay.

Qaaliga Maxkamadda Degmada Marko ee xukunkani riday ayaa dilka kaddib ka hadlay goobta, wuxuuna boqolaal qof oo daawanayay qaabka uu dilkaas u dhacay u sheegay  in ehelada ninka hore loo dilay ay dalbadeen in loo dilo Askariga maanta goobtani lagu qisaasay ,waxa kale uu sheegay in tani ay ku dhacday Xukun Islaami ah oo cid dambi gashaa sidan oo kale loo abaalmarindoono ummadda horteeda .

Add New Comment