Qaramada Midoobay oo ka digtay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaalida ah


Hay’adda banii’aadanimada Qaramada Midoobay  ayaa ka digtay in dib loogu celiyo Qaxootiga Soomaalida ah dalka Soomaaliya oo ay sheegtay in amaanka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu yahay xiligani mid aan wanaagsanayn.

Xafiiska isku dabaridka Arimaha Banii’adanimada ayaa sheegay in howgllada Milatari ee xiligani Soomaaliya ka soconaya ay ka dhigayaan xaalada mid aan ku haboonayn in dib loogu soo celiyo Qaxootiga Soomaalida ah islamarkaasna loo baahanyahay in aan dib loo soo celin inta ay xaalada amaan ee Soomaaliya ka noqonayso mid laysku halayn karo.

Qaramada midoobay ayaa xusatay in howgaladda Milatari ee Shaabab ka dhanka ah ee dalka Soomaliya ka bilowday Bishii Maarso kadib ay xaalada Banii’adanimo ay isu badashay mid aad u liidata oo ku haboonayn in qof Qaxooti dalka uga barakacay marlabnaad lagu soo celiyo goob uu barkac ka socdo.

Xafiiska Qaramada Midooaby ee OCHA ayaa sheegay in ka badan 12,000 oo qof ay ku  barakaceen dalka Soomaliya intii u dhaxaysay Bishii Maarso 17 ilaa 22 isla bisha Maarso goballda Bakool Gedo, Hiraan , Shabellah hoose  Baay, iyo Shabelleada dhexe.

Hadalka Qaramada Midoobaya aya imaanaya xili dhawaan dowlada Kenya ay ku amartay dhamaan qaxootiga Soomalida ah ee ku sugan magaalooyinka in ay dib ugu laabtaan Xeryaha qaxootiga ee loogu talagalay sida Dhadhaab iyo Kakuma arintasi oo Hay’addaha u dooda Xuquul aadanaha ay si kulul u canbaareeyeen.

Dalka Kenya ayaa waxa uu magangaliyay Kumanaan qaxooti Soomaali ah kuwaasi oo ka barakacay dalkoda hooyo kadib colaado iyo abaaro isbiirsaday oo Soomaaliya ku dhuftay.


Add New Comment