Xil wareejin lagu sammeeyay Cabdi Jiinow Calasoow Maareeyihii Dekadda Muqdishu


wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa xilka Maareeyenimo looga xayuubiyay Cabdi Jiinow Calasow oo muddo saddex sano hayay xilkaasi, iyadoo loo magacaabayXasan Cali Maxamed (Xasan Dheere) inuu qabto xilkaasi maanta wixi ka dambeeya  .

Wareegtada Xil ka qaadista ah ayaa waxa lagu dhex xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif Sheekh Axmed uu aqbalay soo jeedinta xil ka qaadista Cabdi Jiinow Calasow waxa uu sidoo kale aqbalay  magacaabista mareeyaha cusub oo qaban doonto jagadaasi.

Ma jirto wax hadal ah oo uu mas'uulka xilka laga qaaday  kasoo baxay ilaa hadda , waxaana la hadal hayaa in xil ka qaadistiisa ay timid markii lagu qanci waayay maamulka Lacaga soo gasha Dakedda Muqdishu oo ah Isha keliya oo Dowladda KMG ah  daqli ka soo gala iyo Gancsatada dekedda  wax kala soo degta oo maalmahani dacwado ka dhan ah Mareeyaha iyo maamulka dekedda  u gudbiyay  R/wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid .

Ammaanka Dekedda Muqdishu ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada AMISOM oo aad u hubeysan taasoo aan wax cabsi ah looga qabin in ay qalqal geliso xil wareejintaasi maanata lagu dhawaaqay, waxaase isweydiin mudan Mareeyaha Cusub Xasan Cali Maxamed (Xasan Dheere) ma xallin doonaa qilaafka weyn ee kala dhex yaalay Maamulkii hore ee dekadda iyo Gnacsatada wax kala soo degta Dekedda mase waa kaga sii dari doonaa !!! taasii waqtiga soo socda ayaa ka jawaabi doono insha Allaaah.

Add New Comment