Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo tababar gudaha dalka loogu soo xiray


Tababarkan loo soo gabo gabeeyay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo socday muddo lix isbuuc ah oo ay bixinayeen saraakiil ka tirsan Midowga Yurub, ayaa waxa tababarkaasi loo soo gabo gabeeyay 34 askari, kaasi oo lagu qabtay xarunta tababarka ciidamada Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Munaasabaddii xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka xoogga iyo saraakiisha bixinaysay tababarka.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay madaxa tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya Sareeyo Guuto Massimo Mingiardi oo sheegay in muddadii uu socday tababarka ciidamada la siiyay lagu barayay xirfado kala duwan oo kor loogu qaadayay xagga aqoontooda, isagoo xusay in sanadkaan gudahiis ay tababar siinayaan 19,000 askari oo dheeri ah, ayna sii joogteyn doonaan tababarada la siinayo ciidamada xoogga dalka.

“Waxaa sanadkii tegay lagu heshiiyay in tababarka ciidamada laga soo wareejiyo dalka Uganda oo Muqdisho loo soo wareejiyo, sida aad arkaysaan farxad ayay nootahay in aan gudaha dalka tababar ku siino cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri Jeneraal Massimo.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe oo isna goobta ka hadlay ayaa ku booriyay ciidamada tababarka loo soo gabo gabeeyay in ay u faa’iideeyaan ciidamada kale ee aan nasiibka u yeelan , isagoo labo aliflayaal ku taxay 34-ta askari ee tababarka loo soo xiray.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali oo gabo gabadii xiritaanka hadal ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay saraakiisha Midowga Yurub ee tababarka bixisay, isagoo dhanka kale ee ciidamada tababarka la siiyay ka dalbaday inay ka qeyb qaataan ladagaallanka argagixisada Al-Shabaab, si guud ahaan dalka oo dhan looga ciribtiro.

Cutubyadan ka tirsan cidamada xoogga dalka ee tababarka la soo xiray ayaa waxa ay qeyb ka yihiin cutubyo ka tirsan cidamada xooga dalka oo nasiib u yeeshay in lagu tababaro gudaha dalka, halka markii hore lagu soo tababari jiray meelo ka baxsan Soomaaliya.


Add New Comment