Jarmalka oo tababarayaal ciidan u soo direysa Soomaaliya kaddib markii uu barlamaankoodu ansixiyey


tyskere_b.jpgBarlamaanka dalka Jarmalka ayaa meel-mariyay qorshe muddo badan lagu muran sanaa oo la xiriira in tababarayaal ka socda dowladdaas ay si toos ah uga howl-galaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamo gaaray 20-askari oo ay ku jiraan khuburo dhinaca militariga ah ayaa ku biiri doona howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya si ay u tababaraan ciidamada dowaldda oo horumar ballaaran  samaynayay bilihii ugu danbeeyay.

"Dowladdu waxa ay aaaminsantahay in ciidamadeena ay ka shaqayn doonaan goob amnigeedu uu  suganyahay oo ka tirsan garoonka diyaardaha ee magaalada Muqdisho "ayuu yiri Philipp Mißfelder oo ah afhayeenka dhinaca siyaasadda dibadaha  ee xisbiga talada haya, kaasoo ka hadlayay dood adag oo barlamaanka ay arintaa ka yeesheen.

Barlamanka ayaa ciidamadan tagaya Soomaaliya u qabtay ilaa iyo 31 Maarso ee sanadka 2015-ka ,waana xilli wax badan ka soo horeeya waqtiga  loo qorsheeyay in la qabto doorashada ka dhacaysa gudaha dalka oo ku began sanadka 2016-ka

Qorshahan waxaa qaadacay xisbiyada mucaaradka ee dalkaas sida xisbiga bidixda iyo kan  Greens-ka  ,iyaga oo ku tilmaamay arintan mid aan wax badan ku soo kordhinayn Soomaaliya oo ay ka dhaceen dagaallo muddo badan soconayay.

"Kuwa aad ciidamadooda tababaraysaan waxa ay ku eedaysanyihiin in ay ka qayb-qaateen arimo xad-gudub ku ah xuquuqda aadanaha"ayey tiri ku xigeenka xisbiga bididxda oo lagu magacaabo Sevim Dagdelen oo ka hadlaysay kulankii barlamaanka.

Ugu danbayntii afhayeen u hadlay xisbiga Greens ayaa dowladda Maraykanka ku eedeeyay duqaymaha ay Soomaaliya  ka gaystaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee loo yaqaan (Drons-ka ),waxaana uu ku  tilmaamay arintaas mid xad gudub ku ah sharciyada caalamiga ah.


Add New Comment