Xildhibaano katirsan Baarlamaanka KMG oo sheegay in fadhiga cusub ee Baarlamaanka KMG ee soo socda ay ku dooran doonaan Gudoon cusub.

 
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in fadhiga cusub ee Baarlamaanka KMG ee soo socda ay ku dooran doonaan Gudoon cusub.

Kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen magaalada Muqdisho qaar kamid ah  Mudanayaasha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo gaarayay ku dhawaad 80-Xildhibaan ayaa waxa ay kulankooda kaga hadleen kalfadhiga 1-aad ee lagu wado in uu ka furmo xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho iyadoo Mudanayaashaasi Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ku eedeeyay in uu waqtigoodii dhamaaday.
 
Kulankaasi kadib ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Xildhibaan Cumar Islow oo kamid ahaa Mudanayaashii ku kulmay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in kulanka ugu horeeya ee ka furmaya xarunta Golaha Shacbiga ay ku dooran doonaan Gudoomiye KMG ah oo cusub kaasi oo shir gudoomin doona kulamada ugu soo horeeya ee Baarlamaanka iyagoo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka uga digay in uu isku dayin in uu shir gudoomiyo kulanka ugu soo horeeya ee ay yeelanayaan Mudanaayasha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya islamarkaana lagu wado in uu ka dhaco xaruntaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaanka in uu dhamaaday waqtigii Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dowladda KMG Soomaaliya iyo waliba ku xigeenadiisa.

Ugu dambeyntii ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka KMG goobtii ay kulankaasi ku yeesheen waxa ay ku soo bandhigeen waraysi oo kol hore siiyay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe kaasi oo uu ku cadeeyay in 21-kii August ee sanadii 2009-ka uu ku egyahay Waqtiga gudoonka Baarlamaanka KMG.

 

 

Add New Comment