Xukuumadda Yemen oo sheegtay in Al-Qaacidada Bariga dhexe ay aadeen dalka Soomaaliya si ay halkaas uga sameystaaan saldhig KMG ah



 Sirdoonka dalka Yemen ayaa sheegay in xubno sarsare oo ka tirsan Al-Qaacida Bariga dhexe ay aadeen dalka Soomaaliya si ay halkaas uga sameystaan saldhigyo ay kusii shaqeeyaan, kaddib cadaadis kasoo fuulay dalalka Bariga dhexe.

Warkan oo lagu daabacay wargeys lagu Magacaabo Cukat oo kasoo baxa Khaliijka Carabta ayaa lagu sheeagay in saraakiishan oo tiradoodu u dhexeyso 15-20-qof ay ka talaabeen xeebaha Magaalada Mukallah ee Gobolka Xadralmuut ee dalka Yemen.

Lama sheegin halka ay toos ugu socdeen, balse waxaa la sheegay in xubnahan ay saldhigyo ka sameysanayaan dalka Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugan tahay kooxda Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo horay u sheegay inay ciidamo u dirayaan.

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in kooxahaas oo horay ugu lahaa dalkeeda saldhigyo ay ka duulaan ay weerarro xooggan ku qaadday, taasina ay keentay inay ka baxaan dalka Yemen.

Sidoo kale Wargeys lagu magacaabo Al-Akbar oo kasoo baxa dalka Al-Jeeriya ayaa sheegay in dhallinyaro ka tirsan dalkaas ay tageen Soomaaliya si ay ugu biiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Wargeyskan oo sheegay inuu baaritaanno ku sameeyay halka ay mareen kooxdan dhallinyarada ah ayaa sheegay inay markii hore ka dageen dalka Sudan, ayna u gudbeen Itoobiya, halkaasoo ay kaga gudbeen Soomaaliya, iyagoo tagay markii ugu horreysay Gobolka Hiiraan.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaan ka hadlin dadkaan kusoo biiray dhankooda iyo Al-Qaacidda Bariga dhexe ay ku martigeliyeen Soomaaliya, balse waxay horay u sheegeen inay cid walba oo Islaam ah ugu yeerayaan inay timaaddo Soomaaliya.

Add New Comment