Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo guulo ka ka sheegtay dagaalo xalay ka dhacay degmada Raage Ceele ee gobolka Sh/dhexe




 Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa u sheegay war baahinta magaalada muqdisho in ay Ciidamada Ahlu Sunna wal jamaaca ay qaadeen dagaalkii xalay ka dhacay degmada Raage Ceele ee gobolka Sh/dhexe waxayna ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan dhammaan degmadaasi Raage Ceele.


Kadib markii gelinkii dambe ee saqdii dhexe ee xalay dagaal culus oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku dhex maray Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo kuwa taabacsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna dagaalkaasoo ay dhib weyn kalsoo gudboonaaday dad rayid ah iyo ciidamadii dhinacyadii ku dagaalamay degmada Raage Ceel ee gobolka Sh/dhexe .
Dagaalkaasi oo laysku adeegsaday hub aad u culus kaasoo keentay in xarakada Al-shabaab ay dib uga baxdo degmadaasi .

Al Shabaab ayaa dafiray in dagaal halkasi uu ku dhexmaray iyaga iyo culama udiinka Ahlusunna Waljameca.



Add New Comment