UNHCR oo sheegtay inay korortay tirada Soomaalida ka carareysa dagaallad iyo abaaraha ka jira Soomaaliya


Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga adduunka ee (UNHCR) ayaa soo saartay warbixin lagu sheegay inay kordheen dadka ka barakacaya dagaallada iyo abaaraha ku habsaday waddanka Soomaaliya.

UNHCR waxay sheegtay in dad kor u dhaafaya ilaa iyo 50,000 oo qaxooti ah ay ay saddexdii bilood ee horreysay sanadkan kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya ay la wadaagta waddamada deriska la ah ee Ethiopia, Kenya iyo Yemen.

Mas'uulad lagu magacaabo Melisa Fleming oo u hadashay UNHCR ayaa sheegtay in tiradani ay labo jibaar ka badan tahay tirada dadkii Soomaaliyeed ee sanadii lasoo dhaafay kasoo cararay dhibaatooyinka ka jira waddanka Soomaaliya, ayadoo qaxootigani intooda badan ay soo gaareen xeryaha qaxootiga Soomaalida ah ee dalka Kenya.

Qaxootigan intooda badan ayaa sida warbixinta lagu sheegay kasoo jeeda guud ahaan gobollada koonfureed ee waddanka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool oo ay aad u saameeyeen dagaallada iyo abaaraha ka jira guud ahaan koonfurta Soomaaliya.

Waxaa sanadihii ugu dambeeyey soo badanayey dadka Soomaalida ah ee ka cararaya dagaallada, abaaraha iyo shaqo la'aanta ka jirta Soomaaliya, kuwaasoo inta badan dalka kaga baxa dhinaca xuduudaha dhulka iyo badaha ay Soomaaliya la wadaagto dalka Yemen, waxaana kale oo jira qaxooti Soomaaliyeed oo ay aad u saameeyeen kacdoonnada ka jira dalalka Carbeed ee waqooyiga Afrika, sida Libya, Masar, Tuunisiya iyo dalka Yemen.

Add New Comment