Markab dagaal oo Faransiis ah oo burburiyey markab iyo doonyo ay wateen burcad badeed Soomaali ah


14a.gifMarkab dagaal oo uu Faransiisku leeyahay, kana mid ah maraakiibka gaashaanbuurta NATO ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa burburiyey markab iyo laba doonyood oo ay wateen koox burcad badeed Soomaali ah, ayagoo marayey meel xeebaha Soomaaliya ka baxsan qiyaastii 500 oo mile.

Sarkaal u hadlayey Markabka dagaal ee Faransiiska FS Nivoz ayaa sheegay inay burburiyeen markab iyo laba doomood oo ay ku heleen meel ka baxsan biyaha Soomaaliya ayna burburiyeen, burcad badeeddii Soomalida ee wadatayna oo tiradoodu ay ku sheegeen 11 ay gacanta ku dhigeen.

Sarkaalka u hadlay markabka dagaal ee Faransiiska ayaa sheegay in burcadbadeeddu ay doonayeen inay biyaha caalamiga ah kasoo qafaashaan maraakiibta ganacsi ee isticmaala marinnada ka baxsan xuduud badeedda Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu sheegay sarkaalku inay wateen qoryo fudfudud iyo baasuukayaal lagana qaaday.

Inkastoo howlgallada caalamku uu kula dagaalamayo burcad badeeda Soomaalida ee ka socda biyaha Soomaaliya la rumeysan yahay inaysan wax badan ka beddeli karin daahiradan cusub ee kasoo if baxday Khaliijka Cadmeed iyo aagga ay Soomaaliya kaga taal Badweynta Hindiya ayaa haddana waxaa beryihii ugu dambeeyey ay suurtagal noqotay in la fashiliyo isku dayo fara badan oo ay burcadbadeedu ku doonayeen inay kusoo qafaashaan maraakiib hor leh.

Add New Comment