Waddada isku xirta Dabka iyo Suuqa Bakaaraha oo maanta dib u furantay


bakaaro.jpgWaddada keliya ee soo gasha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta dib u furantay, kaddib markii ay labo maalmood u xirnayd ciidamada Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah iyo kuwa Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin oo halkaasi isku hor fadhiyey.

Dadweynaha reer Muqdisho, gaadiidleyda iyo ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa dhammaantood si isku mid ah u soo dhoweeyey in xoogagga halkaasi isku horfadhiya ay oggolaadeen in waddadaasi ay dib u furanto, sidoo kale waxaa soo dhoweeyey gaadiidleyda Dekedda weyn ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa mar sii horreysay ugu baaqay dhinacyada isku hor fadhiya waddadaasi soo gasha Suuqa inaysan bartilmaameedsan suuqa oo ah goob ganacsi oo ay dad badani ku dhaqan yihiin.

Xoogagga Ahlu Sunnah Wal Jamaacah ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka billaabay howgallo ay ku doonayaan inay isku ballaariyaan waddada dheer ee Wadnaha, taasoo goobo fara badan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin xoogagga Al Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxayna si aad ah ugu soo dhowaadeen agagaarka Suuqa Bakaaraha ayagoo dhinacyo badan kasoo fariistay.

Add New Comment