Golaha Wasiirada oo ka shiray amniga, howlgallada iyo gargaar la gaarsiinayo gobollada


Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen amniga dalka, howlgallada ciidamada wadajira ay ka wadaan gobolada dalka, xeerka isgaarsiinta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta, xeer hoosaadka golaha Wasiirada iyo gurmad deg deg ah oo loo fidinayo qeybo ka mid ah gobolada dalka, gaar ahaana kuwa laga xoreeyey kooxaha Shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo gabagabadii kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in goluhu ugu horeyn ay dhegeysteen warbixin Wasaaradda Amniga Qaranka soona bandhigtay inuu jiro horumar laga gaaray sugida amniga, todobaadkii horena ay Wasaaradu gacanta ku dhigtay horjoogayaal baxsad ah oo ka tirsan nabadiidka Shabaab, kuwaasoo si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa qeybo ka tirsan Muqdisho iyo degaanada ciidanku kala wareegeen.

Intaasi kadib, Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay in Goluhu ka hadleen qaabka farsamo ee loo gaarsiinayo gobolada dalka gurmad ay Xukuumaddu u fidineyso dadka ku dhaqan degaanada laga saaray Shabaabka, wuxuuna cadeeyey in gurmadkii ugu horeeyey loo diray maanta gobolka Shabeelaha Hoose iyo gobolka Baay, gaar ahaana degmooyinka Qoryooley, Buurhakaba iyo Baydhabo. Isaga oo xusay in dhamaan la gaarsiinayo maalmaha soo socda degaanada kale.

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta waxa uu sheegay in laga dooday xeerka Isgaarsiinta, dibna loo dhigay kulanka dambe, sidoo kale laga dooday xeer hoosaadka golaha Wasiirada laguna kordhiyay qodobo kuwa kalena laga dhimnay, dibna loo dhigay tan iyo kulanka dambe.


Add New Comment