Ahlusunna Waljamaaca iyo Koox la baxday Muqaawamada Gobollada Jubbooyinka oo heshiis iskaashi ah ku kala saxiixday dalka Kenya


Waxaa heshiis ku kala saxiixday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Ahlusunna Waljamaaca iyo Koox isku magacowday Muqaawamada Gobollada Jubbooyinka, heshiiskaas oo ah mid looga horjeedo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Heshiiskan ayaa waxaa Ahlusunna u saxiixay Sheekh Xuseen Sheekh Dayib iyadoo kooxdan cusubna uu u saxiixay Sheekh Xuseen Sheekh Dayib halka Kooxda kale uu u saxiixay Maxamed Amiin Cabdullaahi Cismaan oo ku hadlayay magacooda.

Labada kooxood waxay ku heshiiyeen inay qaataan magac cusub oo ah (Dhaqdhaqaaqa Muqaawamada Jubbooyinka) kaasoo noqonaya ururkii ugu horreeyay oo si wadajir ah u sameystaan Ahlusunna Waljamaaca iyo Kooxda Muwaaqamada Jubbooyinka.

Bayaan ay kooxaha heshiiskan gaaray soo saareen ayay ku sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay xaqiijinta ammaanka Gobollada Koonfurta Soomaaliya oo ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyagoo sheegay in dadka Gobolladaas ku nool lagu hayo dhibaatooyin kala duwan.
Warkan oo lagu daabacay Bogga Telefishinka Al-Jazeera qaybtiisa Carabiga iyagoo intaas ku daray in dadka Gobollada Jubbooyinka ku nool ay dhibaatooyin kala duwan la kulmayeen tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Kooxdan ayaa waxay bayaankooda ku sheegeen inay dagaal hubeysan la galayaan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, si ay uga saaraan Gobollada Jubbooyinka si ay dadka halkaas ku nool u helaan nolol wanaagsan, dalalka dariska ahna kula noolaadaan nabad.
"Waxaa naga go'an inaan dagaal ku qabsano Jubbooyinka" ayuu yiri Maxamed Amiin kaddib markii uu garabkiisa u saxiixay heshiiska, isagoo sheegay inay dhisayaan maamul uu yeesho Jubbooyinka markii ay Gobolladaas ka saaraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo awood badan ku leh.

Sidoo kale Maxamed Amiin ayaa sheegay in ciidamadii lagu tababaray dalka Kenya ee gaaraya 2,500-qof ay noqonayaan ciidamada ay ku dagaalamaan si ay dib ugu qabsadaan Gobollada Jubbooyinka, ciidamadaasoo dhawaan ay dalbaday Dowladda Soomaaliya in la geeyo Muqdisho Kenyana ay ku gacansayrtay.

Sidoo kale mas'uulkan wuxuu sheegay in ururkooda uusan wax xiriir ah la lahayn Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, balse ay aqoosan yihiin, isagoo sheegay inay yihiin koox ka madaxbanaan oo doonaysa inay la dagaalamaan Xarrakatul Shabaab.



Add New Comment