Dowladda China oo balan-qaaday inay ka taageeri doonto dowladda Soomaaliya dhinaca dib-u-dhiska


Dowladda Shiinaha (China) ayaa balan-qaaday inay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhanka dib-u-dhiska dhinacyada kala duwan ee dalku uga baahan yahay wuxuuna balanqaadkani ka dambeeyey kulan dhex-maray ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo wasiirka arrimaha dibadda China Yang Jiechi.

Kulan gaar ah oo dhex-maray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Oomaar oo uu wehliyo ku-simaha safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Cali Kullane iyo saraakiil kale oo la socotay iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda iyo diplomaasiyiin Shiinaha waxaana kulankan lagu jeex-jeexay qaabka ugu haboon ee dib boorka looga jafi karo xiriirkii labada dowladood ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Yang Jiechi oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in dowladdiisu ay mar kasta taageereyso nabad iyo kala dambeyntii oo dib ugu soo laabata guud ahaan dalka Soomaaliya wuxuuna dhanka kale balan-qaaday in dowladdiisu ay qeyb-weyn ka qaadan doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya.

"Beesha caalamku waa inay awoodooda isugu geeyaan sidii loo heli lahaa amni, kala dambeyn iyo dib-u-dhis sidii loogu heli lahaa Soomaaliya," ayuu yiri Yang.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Oomaar oo isna hadlay ayaa ka mahad-celiyay soo dhoweynta iyo balanqaadyada dowladda Shiinaha ay sameysay isagoo tibaaxay in dowladda federaalka Soomaaliya ay aaminsan tahay in Shiiinaha ay dowr muhiim ah kaga jirto dib u dhiska iyo nabad kusoo celinta dalka Soomaaliya, isagoo si gaar ahna ugu mahad-celiyay kaalmadooda dhaqaale ee ay ku bixiyaan howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM.


Add New Comment