Ahlusunna oo sheegtay inay weerarro ku qaadi doonto Degmada Afgooye, Ceelasha Biyaha iyo Suuqa Xoolaha



Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaaddi) oo warfidiyeenika kula hadlay Muqdisho shalay gallinkii dambe ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku weerarayaan Degmada Afgooye, Ceelasha Biyaha iyo Suuqa Xoolaha oo ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Sheekh C/llaahi Abuu-Yuusuf wuxuu sheegay in qorshahan uu yahay mid ay kaga gol-leeyihiin inay ku qabsadaan deegaannadaas oo ay awood badan ku leeyihiin kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya.

"Waxaan doonaynaa inaan ballaarino dagaalka aan kula jirno Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ee ka bilowday Muqdisho oo aan kula dagaalanno deegaanno ay ka mid yihiin: Degmada Afgooye, Suuqa Xoolaha iyo Ceelasha Biyaha" ayuu yiri Sheekh C/llaahi Abuu-Yuusuf.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaalladooda aysan joojinayn inta ay ka xaqiijinayaan inay la wareegayaan goobaha ay Xarrakatul Shababa iyo Xisbul Islaam kaga sugan yihiin Muqdisho iyo Gobollada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu Afhayeenkan ku eedeeyay todobaadkii hore inaysan wax dagaal ah kula jirin kooxaha kasoo horjeeda, balse madaafiic keliya lagu garaaco Magaalada ayna waxyeello ba'an kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo dagaal kula jira Dowladda ayaan ka jawaabin hadalka kasoo baxay Ahlusunna Waljamaaca ee ku aaddan inay kula dagaalami doonaan Magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

Ururka Ahlusunna ayaa dhawaan sheegay inay Muqdisho ka bilaabeen dagaallo ay kaga horjeedaan Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo ka bilowday qaybo ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Holwadaag, iyadoo ay xirantay waddadii loo mari jiray Bakaaraha.



Add New Comment