Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo xirnaashaha jidadka gala Bakaaraha ku eedeysay ciidamada AMISOM


Xarrakada Mujaahidiin Al-shabaab ayaa sheegay inaysan iyaga u xirnayn jidadka gala suuqa weyn ee Bakaaraha balse ay u xiran yihiin ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG ah, balse ay iyagu horay ganacsatada ugu wargeliyeen inay jidadkaas furan dhankooda ka furan yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay dhowr jeer kala hadleen ganacsatada gobolka sidii loo furi lahaa jidadka gala Bakaaraha ayna is-afgarteen.

"Wadatashiyo badan ayaan la sameynay walaalaha ganacsatada ah, waxaana ku wargelinay inay dhankeenna waddooyinka ka furan yihiin, balse ay ka xiran yihiin dhinaca AMISOM iyo DKMG ah," ayuu yiri Sheekh Abuu-C/raxmaan.

Waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab ayaa intaas ku daray inay iyaga iyo shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed isla garteen inay AMSIOM iyo DKMG ah xoog uga furtaan waddooyinka gala suuqa Bakaaraha.

Shacabka maalin walba u shaqo taga iyo kuwa adeegga u doonta suuqa Bakaaraha ayaa mara jid yar oo aad ciriir u ah kaasoo ay ugu magacdareen Far-janno, balse waxaa maalin walba ay rasaas wiifto ah ku dishaa jidkaas dhowr qof, kuwaasoo isugu jira kuwo ka yimid suuqa iyo kuwo u socda.

Dhawaan ayay ahayd markii saraakiisha dowladda Soomaaliya ay sheegeen in jidka dabka fureen si ganacsiga iyo dadka u socda Bakaaraha ay u maraan, balse ma jirto weli cid martay, iyadoo ay ku go'an yihiin dhagax waaweyn oo ay AMISOM dhigtay.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir ee DKMG ah C/kaafi Hillow Cismaan ayaa isaguna dhankiisa xirnaashaha waddooyinka gala Bakaaraha ku eedeeyay Xarrakatul Shabaab, wuxuuna sheegay inay diyaar yihiin wiishashii qaadi lahaa dhagaxda jidka ku go'an, balse marka hore la duugo godadka jidkaas laga qoday.


Add New Comment