Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay in Qaraxii ay la beegsadeen Ciidamada AMISOM ay ugu aar-gudayeen Mujaahidiin lagu dilay Ciraaq


    



 Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii Ismaadiiminta ahaa ay ee ay la beegsadeen AMISOM uu ahaa mid aargudasho ah.

Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in weerarkaas ay ugu aargudayeen Mujaahidiin ku dhintay duqeymo uu Mareykanku ka geystay dalka Ciraaq todobadkii hore, kuwaasoo lagu kala magacaabi jiray Cumar Al-Ciraaqi iyo Xamza Al-Muhaajin.

"Qaraxii aan la beegsannay Ciidamada AMISOM wuxuu ahaa mid aan kaga jawaabaynay laba arrimood oo kala ah, Mujaahidiin lagu dilay dalka Ciraaq iyo dadkii laga saaray Bankiga Ganacsiga oo ay dageen" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid laga gaaray ujeeddadii laga lahaa laguna dilay askar badan oo ciidamada AMISOM ka tirsan, isagoo intaas raaciyay in weerarrada noocan oo kale ah ay sii wadi doonaan.

Weerarkaas oo ahaa mid Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Bankigii Ganacsiga ee degmada Shingaani oo ay dhawaan dageen ciidamada AMISOM ayaa saraakiisha ciidamadaas waxay sheegeen inay kaga dhaawacmeen qaraxa dhowr askari.

Baabuurka loo adeegsaday Qaraxa ayaan ku qarxin halkii loogu talogalay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay waxaana ku dhintay saddex qof oo watay.

Ma ahan qaraxii ugu horreeyay oo noociisa ah oo lagu weeraro ciidamada AMISOM ee saldhigyada ku leh Muqdisho, waxaana qaraxyo kuwan ka horreeyay lagu dilay tiro ka tirsan Askarta AMISOM ee ka socda dalalka Burundi iyo Uganda.

Add New Comment