Xarrakatul Shabaab Al Mujaahidiin oo sheegatay qaraxii ismiidaamin ahaa ee lala beegsaday AMISOM




Saraakaal u hadlay Ciidamada AMISOM ayaa beeniyey in Askar looga dilay qaraxii lala beegsaday maanta  waxa uu qirtay  in qaraxaasi uu aad u weynaa  laba askari oo keliya ay kaga dhaawacmeen iyadoo saraakiil u hadlay Xarrakatul Shabaabna ay sheegeen inay  ku dileen qaraxaasi askar tiro badan.



 Sarkaal ku hadlay magaca Al Shabaab Al Mujaahidiin ayaa sheegay in mas'uuliyadiisa ay leeyihiin qarax Ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray ciidamada AMISOM ee dhawaanta fariisin cusub ka dhigtay Bankigii hore ee Ganacsiga ee ku yiil degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.
 

Dad goobjoogayaal ahaa  oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegay in baabuur weyn oo dhul furan oo saarnaa fuustooyin waaweyn oo ka buuxaan waxyaabo qarxa kasoo isku dayey inuu gudaha hore ee saldhiga ku qarxiyo, markii uu ka dhaga adeegay wadigii gaariga inuu joojiyo ayaa si simman  xabbado ugu furay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladdaba taasoo keentay inuu ku qarxo meel aad uga fog halka ay ciidamadu ku sugnaayeen halkaasi ayuu ku dhintay wadihii gaariga weyn ,waxaa sidoo kale dhaawax soo gaaray laba askari oo ka tiesanaa ciidama AMISOM ee ku dhawaa baabuurka Qarxay.


Ma ahan markii ugu horreysay oo weerarro noocan oo kale ah lala beegsado xarumo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho, waxaase horay loogu weerary qarax Ismiidaamin ah Saldhiggooda ugu weyn ee Xalane, kaasoo ay sababay khasaare badan.


Add New Comment