Madaafiic khasaare nafeed geysatay oo lagu garaacay meelo ka mid ah Suuqa Bakaaraha iyo Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho


 


xoogagga ka soo horjeeda DKM ee Soomaaliya ayaa galabta tiro Madaafiic ah waxay ku tuureen gudaha Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalo ee magaalada  Muqdishu, taasoo keentay in Ciidamadii ku sugnaa Madaxtooyada ay madaafiic jawaab celin ah ay ku garaacaan Suuqa weyn ee Bakaaro iyo qayb ka tirsan degmada Wardhiigley taasoo keentay in dad badan oo rayid ah ay ku dhintaan kuwa kalena ay ku dhaawacmaan.


 Madaafiicdii lagu weeraray Madaxtooyada waxaa loogu dan lahaa sida ay noo sheegeen dad goobjoog ahaa oo lagu kalsoonaan karo, in lagu carqaladeeyo shir ka socday gudaha aqalka madaxtooyada kaasoo lagu xallinaayey khilaafaadyada u dhexeeya Baarlamaanka Soomaaliya, waxaase nasiib daro ay haysataa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goobaha laysku dagaalayo kuwaasoo naf iyo maalba ku waaya halkaasi.
 
 Isku soo wada doob  khasaaraha nafeed ee geysteen Madaaficdii maanta gallinkii dambe lagu tuuray Suuqa Bakaaraha iyo Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho waxay gaareen 5 ruux oo geeriyootay iyo tiro 13 ruux oo ku dhaawacantay dadkaasoo dhammaantood ahaayeen dad rayid ah.















Add New Comment