Dalka Mozambique oo qorsheynaya inuu ciidamo u soo diro Soomaaliya


Wadanka Mozambique ayaa sida lagu soo warramayo qorsheynaya in uu ciidamo nabad ilaalineed u soo diro dalka Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqon doona ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Soomaaliya ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa ilaa iyo 5500 oo askari oo ka kala socda dalalka Burundi, Uganda iyo Jabuuti, waxaana in badan la sugayey in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay soo dhammeystiraan ciidamo horey loogu qorsheeyey Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu gaareysay 8000 oo askari.

Dalka Mozambique oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada ay kaga qayb qaadan doonaan howlaha ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxa dhowaan arrintani u codeyn doona barlamaanka dalkaasi bal in cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaasi loo diro Soomaaliya iyo in kala, warkaasina waxaa saxaafadda u sheegtay haweeneyda guddoomiyaha u ah barlamaanka Mozambique Mrs. Veronica Macamo.




Add New Comment