Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalo galabta ka dhacay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud.



Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo War baahinta magaalada Muqdisho Shir jaraa’iid ugu qabtay qadka teleefoonka ayaa waxa uu ka hadlay dagaalo galabta ka dhacay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna.

Waxa uu sheegay Sheekh Cali Dheere in kadib dagaalo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Galgaduud Ciidamadooda si nabdoon ay kula wareegeen degmada Ceel Dheer ee gobolkaas isagoo sheegay in Ciidamadooda si nabadgalyo ah ay kula wareegeen Bariga gobolka Galgaduud xilli ay weerareen deegaan lagu magacaabo Baabuurgadoon islamarkaana uu sheegay Afhayeenka in deegaankaasi ay kaga qabsadeen 1-Baabuur oo sida uu sheegay Sahay ay u saarneyd.

Waxa uu intaasi ku daray Afhayeenka Al Shabaab in Ciidamadooda degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud ay ka heleen 2-Gaari oo nooca dagaalka ah oo sida uu sheegay ay ka tageen dhinacii dagaalka ay la galeen ee degmadaasi ku sugnaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Tuulada lagu magacaabo Galqoryaale oo Gobolka Galgaduud ka tirsan dagaalo ka dhacay ay Ciidamooda u suuro gashay in ay gacanta ku dhigeen isagoo ugu baaqay Bulshada gobolkaasi in ay la shaqeeyaan xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Dhinaca kale Saraakiil katirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo Shabelle la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay iyana guulo ka gaareen islamarkaana aanay jirin goobo laga qabsaday sida ay tilmaameen.

Add New Comment