Kulankii Barlamaanka oo mar kale maanta dib u dhacay, cilad la xiriirta dhinaca farsamada awgeed


Waxaa mar kale maanta dib u dhacay kulankii Golaha Baarlamaanka Dowladda KMG uga furmi lahaa Xaruntii Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, ayadoo sababta uu baaqdayna lagu sheegay arrimo la xiriira dhinaca farsamada.

Dib u dhaca ku yimid kulanka Baarlamaanka KMG ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya gudoonka Baarlamaanka iyo xilbaanno badan oo ku doodaya in guddoonka barlammanka uu xilligii ka dhammaaday, gaar ahaan guddoomiyaha barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Khilaafka xoooggan ee u dhexeeya xildhibaannada barlamaanka Dowladda KMG ayaa hareeyey howlihii xukuumadda KMG ee Soomaaliya, ayadoo ay xildhibaannadana u kala jabeen laba garab oo qaar ay taageersan yihiin in Sh. Aadan Madoobe uu sharci ahaan sii haayo xilka guddoomiyaha barlamaanka, halka qaarka kale ay ku doodayaan in uu dhamaaday xilligii guddoonka barlamaanka.

Add New Comment