Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay inuu xilka ka dagayo haddii danta shacabka ay sidaasi ku jirta


Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa mar uu maanta magaalada Muqdisho kula hadlayey saxaafadda ka hadlay arrimo ku saabsan mooshinka asaga ka dhanka ah ee ay wadaan xildhibaanada qaar.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu xilka isaga degi doono, haddii danta ummadda Soomaaliyeed ay sidaasi ku jirto, balse uusan xilkiisa isaga casili doonin mooshin ay wadaan xildhibaanno doonaya inay dumiyaan Dowladda Soomaaliya oo hoostana  kala shaqeeya Xarakatul Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sheekh Aadan Madoobe waxa kale oo uu hadalkiisa ku xusay inay jiraan kuwo doonaya in shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan aysan ka bixin dhibaatada, dalkana ay cadow gacanta u geliyaan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa markii warkani saxaafadda siinayey ku guda jiray kormeer shaqo oo uu ku marayey xarunta Golaha Shacabka oo dhowaan la dayactiray loona diyaariyey in lagu qabto shirarka Barlamaanka KMG, wuxuuna caddeeyey inaan mar dambe dib u dhac ku iman doonin qabashada kal fadhiga barlamaanka, walow ay jiraan howlo yar yar oo weli ka harsan dhammeystirka howsha dayactirka.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan sharciga waafaqsaneyn in guddoonka barlamaanka la yiraahdo waqtigiisi wuu dhammaaday, ayadoo uusan waqtigii barlamaanku dhammaanin, waayo ma kala laha xilliyo kala duwan oo uu xilkooda ku dhammaanayo.

Muranka xildhibaannada Barlamaanka ayaa beryahan dambe hareeyey saaxadda siyaasadeed ee Dowladda KMG ee Soomaaliya, ayadoo ay dood weyni ka taagan tahay sharci ahaanta xilliga guddoonka barlamaanka oo ay xildhibaannadu aad isugu maan dhaafsan yihiin.



Add New Comment