Idaacadaha Soomaaliweyn iyo Tusmo oo galabta howlahoodii dib u billaabay


Idaacadaha Somaaliweyn iyo Tusmo ayaa galabta dib hawada ugu soo laabtay, kaddib markii maanta duhurnimadii ay albaabada u laabeen ciidamo ka tirsan nabadsugidda Dowladda KMG ee Soomaaliya oo amar ka qabay Maamulka Gobolka Banaadir.

Dib ugu soo noqosahada hawada ee labadani Idaacadood ayaa timid kaddib markii xafiiska wasiirka warfaafinta Dowladda KMG mudane Daahir Maxamud Geelle uu amar ku bixiyey in labadaasi idaacadood loo fasaxo gudashada howlahooda.

Si dhab ah looma oga sababta keentay in labadani idaacadood oo ka mid ah idaacadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ka jira magaalada Muqdisho, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Banaadir uu ka carooday fulinta ay fuliyeen awaamiirtii Ururka Xisbul Islaam uu ka mamnuucay idaacadaha Muqdisho inay sii deeyaan heeso iyo musikba, ayadoo weliba idaacadahani ay ka furnaayeen goobaha ay dowladdu gacanta ku heyso.

Guud ahaan warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxa jaha wareer ku haya ammarrada is qilaafsan iyo eedeynta mar kasta uga timaada xoogagga ku hardama gacan ku-heynta magaalada Muqdisho ee Dowladda KMG, Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.


Add New Comment