Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka qeyb galaya Shir Ka Furmay waddanka Belgium


Brussel_b.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shir.madaxeedka  wadamada Yurub iyo Africa ee maanta ka furmay magaalada Brussels ee xarunta dalka Bekguim.ka,  iyadoo shirkaasi looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin amniga, iyo kobcinta dhaqaalaha waxaana ka qeyb galaya madax ka kala socota Yurub iyo Africa.

wafdiga madaxweynaha la socda ayaa waxaa qeyb ka ah  wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka qorsheynta,wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Soomaaliya, iyo xubno kale waxaana la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya uu khudbad ka jeediyo shirkaasi oo uu kaga hadli dooni arrimo badan oo quseeya Soomaaliya.

ugu danbeyntii wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale  Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  madaxweynaha uu kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doono madaxda ka qeyb galeysa shirka oo uu kala hadli doono arrimo kale duwan oo ku qotoma iskaashiga madaxda dalalka uu la kulmayo ay la yeelaneyso dowladda.


Add New Comment