Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii uu magaalada Sirti ee dalka Libya kaga soo qaybgalay shirmadaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay halkaasi, booqashana ku soo maray dhowr dal oo ku yaalla Geeska Afrika.

Dalalka uu Madaxweynuhu booqday ayaa waxa ay kala yihiin Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti, kuwaasoo uu dhammaantood kulamo la qaatay hoggaamiyeyaashooda ayna ka wada hadleen xiriirka ay Soomaaliya la leedahay waddamadaasi iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaasoo ay ka wada hadleen qilaafaad bilihii u dambeeyey ka dhex taagnaa dowladda Soomaaliya iyo gobollada Puntland, sida la sheegayna uu dhex maray is faham.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxa gegida caalamiga ah ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka sida.


Add New Comment