Dowladda Soomaaliya oo qaar ka mid ah ciidamada Booliiska maanta tababar uga furtay Dugsiga Booliiska ee Muqdisho


Dowladda Soomaaliya ayaa maanta tababar u furtay 800-askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska, kuwaasoo la barayo howlo la xiriira shaqadooda, sida uu xafladda furitaanka ka sheegay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe).

Xafladda furitanka tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid ahaayeen: Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska.

Ciidamada tababarka loo furay oo ay ku jireen 150-haween ah ayaa waxaa halkaas dardaraan uga jeediyay madaxda Dowladda, waxaana ugu horreyn hadlay Taliyaha Booliiska isagoo sheegay in tababarkan uu socon doono muddo kooban, isagoo intaas raaciyay in ciidamadan laba sano ka hor ay tababar kusoo qaateen Itoobiya.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ciidamadan laga doonayo inay si daacadnimo ay ku jirto ay u shaqeeyaan.

"Askarta waxaan uga digayaa inay dadka shacabka ah dhac u geystaan, waayo waa ceeb in askari laga sugayay inuu dadka ilaaliyo ammaankooda uu ku laabto jeebkooda" ayuu yiri Prof. C/raxmaan Ibbi.
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaa tihiin askar qurux badan oo aan hubo inay waajibka saaran u gudan doonaan si daacadnimo ay ku jirto, balse waxaan ku habaaraynaa askarigii dadka dhac u geysta inay xabbada ugu horreysa ku dhacdo".

Ciidamadan ayaa waxay qayb ka yihiin ciidamada ay dowladda Soomaliya kuwaasoo ay ugu talogashay inay wax kaga qabato xalaadda ammaan xumo ee dalka ka taagan, sida ay sheegeen xubnihii maanta ka hadlay furitaanka Tababarka.

Add New Comment