Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhankooda ka furan tahay waddada isku
xirta isgoysyada bakaaraha iyo dabka ee loo maro suuqa Bakaaraha, kaddib kulan
looga hadlayay furintaanka wadadaas oo maanta dhexmaray ganacsatada iyo
saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah.
Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf Aadan
(Dhego-badan) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda uu jidkaas ka furan
yahay balse ay u sameeyeen saacado la mari karo.
"Anigoo fulinaya amarka madaxweynaha, midka ra'iisul wasaaraha iyo midka
taliyaha ciidamada waxaan ku dhawaaqayaa in maanta wixii ka dambeeya ay dhanka
DKMG ah ka furan tahay waddada isku xira isgoysyada dabka iyo bakaaraha," ayuu
yiri Gen. Dhego-badan.
Ganacsatada ayuu ka codsaday inay dhanka kale ee Xarrakatul Shabaab ka ballan
tan la mid ah ka keenaan maadaama uu jidku yahay mid dagaal, wuxuuna xusay in
suuqa Bakaaraha oo xirma ay uga daran tahay dowladda qof rayid ah oo ku dhintay
jidkaas, isagoo xusay in ganacsatada ay ka sugayaan go'aanka ay dhanka kale ka
keenaan.
"Jidka wuxuu furnaanayaa laga bilaabo 7:00 aroornimo illaa 5:00 galabnimo
maalin walba, wixii ka horreeya iyo wixii ka dambeeya waa la xiraynaa si
ammaanka loo sugo," ayuu taliye ku xigeenka milateriga Soomaaliya u sheegay
warbaahinta.
Sidoo kale, taliye ku xigeenku wuxuu sheegay in jidkaas ay ku sameyn doonaan
bir koontarool ah, si looga hortago inay kasoo gudbaan gaadiid waxyaabaha qarxa
laga soo buuxiyay, isagoo ganacsatadii ay la kulmeen ka codsaday inaysan taas u
arkin dhibaato.
Afhayeen ku hadlay magaca ganacsatadii kulanka ka qaatay saraakiisha DKMG ah
oo lagu magacaabo Ugaas C/llaahi Ugaas Aadan ayaa sheegay inay dhowr jeer oo
hore kala hadleen madaxda dowladda Soomaaliya sidii loo furi lahaa jidka dabka
oo muhiim u ah ganacsiga bakaaraha, ayna maanta ku faraxsan yihiin in dowladdu
ay aqbasho in dib loo furo.
Inkastoo dowladda KMG ah ay sheegtay inay dhankooda ka furan yahay jidka isku
xira isgoysyada bakaaraha iyo dabka ayaa haddana waxaa weli lagu arkayaan dhagax
waaweyn oo jidka ku go'an, kuwaasoo ay difaac ahaan u dhigteen ciidanka AMISOM
ee isgoyskaas ku sugan.
Xarrakatul Shabaab ayaa horay u sheegtay dhankeeda inay ogolaanayaan in la
furo jidka dabka iyo bakaaraha isku xira, haddii ay DKMG ah iyo AMISOM ay
oglaadaan, waxaana dadaallada loogu jiro furidda jidkan uu imaanayaa xilli muddo
laba bilood ah ay xiran yihiin jidadkii loo mari jiray suuqa Bakaaraha.