Guddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee Barlamaanka Dowladda KMG oo is casilay

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaank Dowladda KMG ee Soomaaliya Cisman Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayey Dowladda KMG ee Soomaaliya, xilli maanta la filaayey inuu dib furmo kalfadhigii barlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaank DFKM Cisman Cilmi Boqorre aya sheegay in is casilaadiisa ay tahay mid shaqsiyadeed iyo in uu wada shaqan fiican ka heli waayey gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda KMG Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Cismaan Cilmi Boqorre ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in guddoonka barlamaanka uu ka dhacay waqtigii uu heyn lahaa xilka, sidoo kalena sheegay in mudanayaasha barlamaankuna ay u madax bannaan yihiin inay fekerkooda ka hadlaan.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaank Dowladda KMG Cisman Cilmi Boqorre oo waraysi siiyey Idaacada VOA ayaa sheegay in uu ahaa qof magac u yaal ah oo markii shir la qabanayo loo yeeri jiray iyadoo aan wax talo ah uusan ku lahayn arrimaha siyaasadda ee Baarlamaanka iyo dhaqaalaha  loo qoondeeyey xubnaha Baarlamaanka.




Add New Comment