magaalada Muqdisho oo maanta looga dhawaaqay xisbi cusub oo loogu magac daray Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (PDP)

Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ayaa maanta looga dhawaaqay  magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, xisbigani oo ah mid cusub oo aan horay u jirin  waxaana aas aaska u dhigay  dad u badan aqoonyahano  oo isku tagay.

Munaasabada maanta xisbigaan looga dhawaaqay ayaa waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf aad u badan qaar ka mid ah xildhibaanada baarlmaanka DKMG ee Soomaaliya,aqoonyahano, waxgarad iyo odoyaal , sidoo kale, xafladdaasi waxaa  fannaanniita hobaladda waaberi ay kusoo bandhigeen heeso wadani ah oo  aqoonyahanada kasoo qayb galeen munaasabadaasi  shucuurtodii kor ugu qaaday kana ilmeysiisey .

Mudane Xasan Sheekh oo ka ka mid ah aasay aasayaasha xisbiga ayaa waxa uu sheegay   in xisbigaan uu u furan yahay cid kasta oo jecel nabada iyo Horumarka ummadda Soomaaliyeed kaasoo  aan waliba ka qayb qaadan bur burka iyo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya,waxa uu yiri  xisbigaan  sababta loo aasaasay waa markii ay  aqoonyahana Soomaaliyeed ay arkeen marxaladda uu maanta ku jiro dalka  taasoo ka bixin karta oo keliya aqoonyahana Soomaaliyeed oo leh  maskax nadiif ah  iyo waxqabad dhab ah oo oo lagu samatabiyo ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu Sheegay Mudane Xasan Sheekh in xisbigaan uu ku dadaali doono sidii ummadma Soomaaliyeed ay ku heli lahayd nabad isla markaana ay ugu tilaabsan lahayd horumar degdeg ah.


  Munaasabadaan  waxaa ka hadlay xildhibaan Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka DKMG Soomaaliya waxuuna sheegay maadaama  dhowaan la qaban doono doorashooyin in loo baahan yahay xisbiyo cusub in ay soo baxaan baarlamaankana  uu meel marin doono xisbi kasta oo soo buuxiya shuruudaha looga baahan yahay xisbiyada siyaasadda ee dalka Soomaaliya.



Gudoomiyaha odoyaash dhaqanka Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay goobtaasi  waxa uu sheegay in ay si weyn usoo dhaweynaayaan xisbiga cusub maadaama ay horkacayaan dad aqoon yahano ah oo wax wayn ku soo kordhin kara dalka Soomaaliya.









Add New Comment