Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay, kana hadlay shirkii uu kaga qaybgalay dalka Kenya


Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalay shirkii Nairobi lagu soo gabagabeeyay ayaa dib ugu soo laabtay maanta magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan iyo wafdigiisa oo ay soo dhaweeyeen in ku dhow 100-xildhibaan ayaa waxay la kulmeen dibadbax looga soo horjeeday Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shirkii uu kaga qaybgalay Nairobi, kuwaasoo watay boorar ay ku qoran yihiin 'Shariif Xasan dooni mayno' iyo erayo la mid ah, waxaase dadkaas kala eryay ciidamada DKMG ah ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha.

"Waxaan ka qaybgalay shirkii Nairobi ka dhacay waxaana xubnihii Soomaalida iyo kuwii beesha calaamka ee shirka kasoo qaybgalay ay aad uga qayliyeen saddexdii sano ee baarlamaanku uu ku darsaday," ayuu yiri Shariif Xasan.

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu hadalkiisa ku daray in ugu dambeyn la isku raacay in baarlamaanka uu muddadiisa ka dhigto laba sano, wixii kasoo baxayna ay hordhigi doonaan baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Shariif Xasan wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa mid looga tashanayay aayaha Soomaaliya marka uu dhamaado xilliga KMG ah oo ku eg bisha Ogoosto ee sannadkan. Iyadoo wafdiga Shariif Xasan la geeyay madaxtooyada halkaasoo ay daggan yihiin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u diiday shirkaas waxayna ku tilmaantay mid looga horjeedo dowladda iyagoo xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ay sheegeen in xubnaha shirkaas ka qaybgalay aysan ka haysan wax ogolaasho ah oo ay iskood uga qaybgaleen kulanka, qodobbadii kasoo baxayna aysan khusyen.

Add New Comment