Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo wufuuddii ay kala hoggaaminayeen oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed  iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa duhurnimadii maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay booqasho ku soo mareen dalalka Uganda iyo Kenya, halkaasoo ay kula soo kulmeen madaxda labadaasi dal.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intii uu joogay waddanka Uganda halkaasi kaga qayb galay munaasabad tababar loogu xirayey ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay saraakiil reer Yurub ah muddo halkaasi ku tababarayeen, wuxuuna intii uu joogay dalka Uganda kulamo la yeeshay madaxweynaha dalka Uganda iyo saraakiil ka kala tirsan Midowga Afrika, Midowga Europe iyo Mareykankaba.

Waxaa ayagana isla maanta dalka dib ugu soo laabtay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee beryahan dambeba booqashada ku marayey dalalka Europe iyo dalal kale oo adduunka ah.

Sheekh Aadam Madoobe ayaa waxa kale oo magaalada Nairoobi kasoo raacay 70 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo in muddo ahba siyaaba kala duwan u joogay dalka dibaddiisa maantana ka faa'ideystay inay guddoomiyaha horey u soo raacaan.

Tirada xildhibaannada hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ah tiro ka badan intii loo baahnaa si dib loogu furo shirarkii barlamaanka, kuwaasoo in badan uu dib u dhac ku yimid, waxaana maalinta berrito ah ee ay bishan aynu ku jirno ee April ay tahay 18-ka la filayaa in la qabto shirkii Golaha Barlamaanka, kaasoo sida la sheegay ka dhici doona xaruntii hore ee Golaha Ummadda ee magaalada Muqdisho oo la dayactiray.


Add New Comment