Nabadoon Axmed Diiriye oo Xarakatul Shabaab ugu baaqay ka qaybgalka shirka dib u heshiineed ee ay ku baaqday Dowladda KMG


Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ugu baaqay Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin in ay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiineed ee ay ku baaqday Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xarakatul Shabaab laga doonayo inay ka qeyb galaan howlaha nabad kusoo dabaalidda dalka Soomaaliya, isagoona ku booriyay mas’uulyhiinta ugu sar-sareeeysa Xarakadda inay wax ka dhaliyaan nabadda si loo baajiyo dhiiga ku daadanaya dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa waxaa uu intaa ku daray in la joojiyo dilka, dhinacyada isku haaya siyaasadda Soomaaliyana loogaga baahan yahay inay isa soo horfadhiistaan ayna wixii qilaafaad ah ee jira ku xalliyaan miiska wada hadalka.

Nabadoon Xaaji Axmed Diiriye ayaa soo hadal qaaday shirkii loogu magaca daray wada tashiga arrimaha Soomaaliya ee dhowaantan lagu soo gebagabeeyey magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, kaasoo uu ku sheegay inuu ahaa mid aan waxba ku soo kordhin xaaladaha murugsan ee ka jira dalka Soomaaliya.

 



Add New Comment