Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka Yuganda tababar ugu xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan booqasho  ku jooga waddanka Uganda ayaa halkaasi kaga qeybgalay munaasabad tababar loogu xirayey  boqolaal askari oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa ka dhacday xero mileteri oo ku taalla meel magaalada Kampala ee xarunta dalkaasi 200 Km. kaga beegan dhinaca galbeed, halkaasoo saraakiil ka socota Midowga Yurub ay ku tababarayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyay munaasabada xeritaanka tababarka ciidanka dowladda ayaa waxa uu ciidamadaasi kula dardaarmay gudashada waajibaadkooda iyo inay waddanka ka qabtaan cadowga dhibaatada ku haaya ummadda, halkaasna ku guddoonsiiyey abaalmarinno.

Munaasabaddan ayaa waxaa madaxweyne Sheekh Sariif ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga dalka Yuganda, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Kaahiye, Taliyaha Ciidamada Yuganda, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yuganda iyo saraakiil ka kala socotay Midowga Yurub, Mareykanka iyo Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay waddaa qorshayaal kor loogu qaadayo tirada iyo tayada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ula wareegto guud ahaan magaalada Muqdisho iyo gobollada koonfurta Soomaaliya ee ay hadda gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiyiinta ee Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.


munaasabad.jpg


Add New Comment