Dagaal waqti kooban socday oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho


Dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac iyo xoogagga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda iyo joogitaanka AMISOM ayaa waxa uu saakay aroortii hore ka dhacay agagaarka Guriga Shaqaalaha ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo soocday waqti yar oo aad u kooban ayaa waxa uu yimid kaddib markii xoogagga Islaamiyiintu ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Guriga Shaqaalaha iyo Taleex oo ay deggan yihiin ciidamada dowladda.

Dagaalkan oo laysku weydaarsaday hubka culculus iyo midka fudfududba ayaa waxa ku dhintay hal qof oo rayad ah, waxaana ku dhaawacmay laba kale, wuxuuna intii uu socday saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee waddada Maka Al-Mukarrama, warna lagama hayo khasaarihii kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Dagaallada goosgooska ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa ah kuwoo soo noqnoqda, ayadoo dhibaatada ugu weyna ay ka soo gaarto dadka rayidka ah ee weli ku harsan xaafadaha magaalada Muqdisho.


Add New Comment