Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdiggii uu hoggaaminayey oo maanta dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay safar gaaban ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Sheekh Shariif ayaa intii uu ku sugnaa waddanka Ethiopia waxa uu kula kulmay ra'iisul-wasaaraha dalkaasi Meles Zenawi, kaasoo sida la sheegay ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen tiro wasiiro ah ayaa waxaa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa ku soo dhoweeyey madax ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxa ay timid xilli uu jiro qilaaf xooggan oo u dhexeeya qaar ka mid ah madaxda sare ee dowladda iyo madaxweynaha, waxaanana la saadaalin karin sababta hadda keentay in madaxweynuhu uu booqasho deg-deg ah ugu kicitimo dalka Ethiopia, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in wada-hadalkii labada hoggaamiye ee labada dal uu ku soo dhammaaday is-afgarad.

 


Add New Comment