Ahlu Sunah oo miiska soo saaratay Axmed Cabdisalaan (Wararkii ugu dambeeyay)


Iyadoo maalintii labaad magaalada Muqdisho uu ka socdo wada hadalo albaabada ay u xiran yihiin oo ay leeyihiin Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah iyo Dowladda KMG, ayaa wada hadaladan waxay dhameystirkooda yihiin sidii Ahlu Sunah jagooyin uga heli laheyd Dowladda Soomaaliya.

Kulamada labada dhinac oo aan loo kala kicin ayaa warar ku dhow dhow sheegayaan in Gudiyo isku dhaf ah ay wada magacowdeen, kaas oo lagu gogol xaarayo awood qeybsi labadan dhinac ku wada yeeshaan dowladda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ahlu Sunah oo ilaa shan wasiir ku yeelan doonto Xukuumad wadaag uu soo dhisi doono Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa waxay xilalkaas u soo sharaxday xubno dhowr ah.

Labada dhinac ayaa ah kuwo u heelan dhaqan gelinta heshiiskii Addis Ababa, ee ay goob jooga ka ahaayeen Beesha Caalamka, iyadoo is afgaradkooda uu hada yahay mid meel wanaagsan maraya.

Inkastoo aan wali la guda gelin ajandaha ah awood qeybsiga iyo ka mid noqoshada Ahlu Sunah ee Dowladda KMG, ayaa hadana warar ku dhow dhow Saraakiisha Ahlu Sunah waxay sheegayaan in ay wataan siyaasiga caanka ah Dr. Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.

Warka ayaa intaa ku daraya in Ahlu Sunah ay la damacsan tahay Mr Cabdisalaan xil culus, waxaana la ogeyn xilalka muhiimka ah ee Ahlu Sunah u rabto siyaasigaas ka soo jeeda Gobolada Dhexe.

Sidoo kale Xubnaha ay wadato Ahlu Sunah ayaa qaarkood ka imaanaya Dibada, marka ay si rasmi u dhaqan gasho qodobka awood qeybsiga, sida uu dhigayay Heshiiskii Addois Ababa, kaas oo Ahlu Sunah siinayay jagooyinka Dowladda ay kaga mid noqoneyso, sida Saraakiisha Ciidamada, Golaha Wasiirada, Agaasimayaal iyo Safiiro.

Xeel dheerayaal ayaa sheegaya in la hadal haayo in bishan gudaheed Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku dhawaaqo isku shaandheyn Golihiisa Wasiirada, waxaana taasi ay dhabaha u xaari doontaa in Ahlu Sunah ku milanto Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.





Add New Comment