Banaabax Roobdoon ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Cadaado


Dad weynaha ku dhaqan Magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta isugu soo baxay mid ka mid ah fagaarayaasha waa weyn ee ku yaala magaalada Cadaado iyadoo ujeedka dibadbax uu ahaa roob doon.

Waxaa maata gabi ahaanba xirnaa goobaha ganacsiga dugsiyada quraanka  iyo dhamaan xarumaha waxbarashada iyadoo sidoo kale roobdoonta ay kasoo qeyb galeen  masuuliyiin katirsan dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb.

Kadib Saalada roobdoonta ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Sheekh Xasan Diini Axmed iyo Sheekh Maxamed qani kuwaas oo ka hadlay ujeedka banaanxa waxaana ay bulshada ay kula dar-daarmeen in ay isku calool fiyoobaadaan.

Gaban-gabadii Roobdoonta ayaa waxaa fagaaraha roobdoonta dadweynihii kasoo qeyb galay kula hadlay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan Axmed.

Si kastaba waxa lagu jiraa dabayaaqada xiliga kal dambeedka waxaana qobolka ka jira kuleeyl aad u daran waxaana muslimiinta dhamaantood ay Alle ka dalbanayaan in uu ka dulqaado waana sababta ka dambeysay in hal meel ay isugu yimaadaan dad weynaha ku dhaqan magaalada Cadaado.

cadaado009.jpg

Add New Comment