Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka dowladda Burundi ee Soomaaliya


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihii aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Burundi ee ay u soo magacawday Soomaaliya Danjire Joseph Nkurunziza.

Madaxweyne Xasan iyo Danjiraha Burundi ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka midtahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal ka dhaxeeya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Danjiraha Burundi Joseph Nkurunziza uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadihiisa aqoonsiga ee safiirnimo, isagoo u rajeeyay in uu si hufan u guto howsha loo igmaday.

Danjire Joseph Nkurunziza ayaa waxa uu carabaabay inuu ka shaqeyn doono xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal  iyo wax waliba oo u adeegaya danaha wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Burundi.

Tani ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka caalamka.


Add New Comment