Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan la leh dhigiisa Talyaaniga


Guddoomiyaha barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Roma ee Wadanka Talyaaniga ayaa kulumo kula leh dhigiisa wadankaasi Talyaaniga, iyadoo lagu wado in gowrdhow ay hishiisyo kala saxiixdaan labada Mas’uul.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Cabdifataax Daahir Jeyte oo la socda wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka Talyaaniga kusugan ayaa soo sheegay in kulanka labada mas’uul ay kaga hadlayaan xoojinta xiriirka labada baarlamaan iyo sidii ay u kala saxiixan lahaayeen heshiis iskhaashi oo lagu xoojinayo cilaaqaadka ay yeelanayaan baarlamaannada Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Booqashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalka Talyaaniga ayaa qaadan doonta mudo Shan cisho ah, waxaana ay ka dambeysay markii uu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Talyaaniga.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa markii ay u soo gabo gaboobaan kulamada uu la qaadanayo dhigiisa dalka Talyaaniga iyo madaxda kale ee dalkaasi ayaa waxa ay halkaasi kula kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku dhaqan.


Add New Comment