Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amababaxay Muqdisho iyagoo ku wajahan dalalka Itoobiya iyo Tanzania sida uu warbaahinta u sheegay Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka maaliyada iyo lacagta Xuseen Cabdi Xalane, wasiir u dowlaha madaxtooyada C/qaadir Macallin Nuur iyo madaxa anshaxa madaxtooyada Mursal Saney.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa ku hormaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyagoo lagu wado in isla maanta ay kulammo la qaataan ra'iisul wasaaraha dalkaas Meles Zenawi iyo golihiisa wasiirrada.

Inkastoo aan la sheegin inta casho ee uu qaadanayo safarka ay ku tagayaan dalka Itoobiya ayaa haddana waxaa lagu wadaa in marka uu u dhammaado ay u gudbaan dalka Tanzania oo ay kulammo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kula yeelan doonaan madaxda dalkaas.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo xalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shir loogu magac-daray wadatashiga arrimaha Soomaaliya oo uu ka qaybgalay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeya madaxweynaha.

Madaxweyne Shariif ayaa toddobaadkan kasoo laabtay safarro uu ku tagay dalalka Burundi iyo Uganda oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya iyo dalka Ruwanda oo aad u daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo la sheegay in kulammadaas looga hadlay ammaanka dalka Soomaaliya.


Add New Comment