Roobabkii guga oo ka curtay degaano ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya


Roobab lagu diirsaday ayaa ka da'ay magaalo-madaxda gobolka Sh/Hoose ee Jowhar iyo degaannada ku xeeran iyo meelo ka mid ah gobolka Hiiraa, halkaasoo ay ka jireen abaaro muddooyinkii ugu dambeeyey aafeeyey dadka, duunyada iyo degaankaba.

Roobabkan oo si aad ah loo sugayey ayaa waxa ay ka da'een goobo kala duwan oo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka tirsan, waxayna dadka degaannada ay roobabku ka da'een Allaah uga mahad naqeen raxmadda uu korkooda ku shubay, meelaha aysan weli ka da'inna ay Allaah uga baryeen inay ku soo deg-degto raxmaddiisa.

Roobabkan ayaa waxa ay kusoo aadeen waqtigii la filayey, ayadoo dadka beeraleyda ah ee Soomaaliyeedna ay u diyaargaroobayaan xilligii beerashada halka kuwooda xoolo dhaqatada ahna ay u diyaargaroobayaan dib ugu laabashada degaannadii ay kala soo barakaceen xoolahooda abaaraha awgood.

Add New Comment