Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo maanta loo magacaabay Afhayeenka guud ee ururka Ahlusunna Waljamaaca


Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u magacaabay guddoomiyihii hore ee ururka Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax Afhayeen cusub oo wixii howlgallo ah ee ururka Ahlusunna lagala soo xiriiro,mowqifka ururkaana isaga warbaahinta gaarsiiya .


 Wafdi ka socda Ahlusunna ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna maanta kulamo hordhac ah la la yeesheen R/wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubno Dowladda ka tirsan si loo dhammeystiro heshiiskii kal hore ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay kula  saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee Dalka Etoobiya.
 Kulankaasi waxaa dhanka DKM kaga qayb galay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid  halka dhanka Ahlu-Suna Waljamaacana uu horseedka u ahaa guddomiyaha golaha fulinta Ahlu-suna Aljamaaca Sheekh Maxamed Yuusuf Xeerfow .
 
 Waxaana la saadaalinayaa Ahlu-suna Aljamaaca in Dowladda ay ku yeelan doonaan dhowr wasiiro, inkastoo afhayeenka cusub  Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax uu sheegay heshiiska ay kula jiraan Dowladda KMG ah ee  Soomaaliya inuu soo dhaweynayo iskaashaga ay wada  sameysteen labada dhinac, waxuuna yiri wax  jagooyin ahna  kaga dooni meyno Dowladda hishiiskaasi ,Dagaalka  ay kula jirno Xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam waan wadaynaa ilaa aan gaarayno guusha kama dambaysta ah .
 Si kasta ha ahaatee heshiiska ay wada gaareen Ahlusunna Waljameeca iyo Dowladda KMG ee Soomaaliya  ayaan la ogayn waxa uu ka badali karo dagaalada ka socda gobolada dhexe iyo bartamaha Dalka Soomaaliya iyo in dowladda  ay ku yeelan doonaan  dhowr wasiiro.


Add New Comment