Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka UAE ee Soomaaliya


Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) danjire Maxamed  Al-Cusmaan.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. ” Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo UAE sii xoogeysto. Dowladda Imaaraadka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa sheegay in Imaaraadku uu mashaariic horumarineed ka wado Somalia iyo gar-gaar bani’aadanimo, isla markaana ballan-qaaday in Dowladiisa ka caawin doonto Somalia arrimaha horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri ” Waxaan uga mahad-celinayaa dalka UAE inay safiir u soo diraan Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in UAE uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad horumarineed.”

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.

Safiirka_Imaaraadka.jpg


Add New Comment