Idaacadaha Muqdisho oo dhaqan galiyay amarkii Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee ahaa joojiya heesaha iyo musikadaba


Idjooji heesaha iyo musikada.jpgaacadaha maxaliga ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho intooda badan ayaa saakay bilaabay inay joojiyaan heesaha iyo muusikada iyagoo fulinaya amarkii kasoo baxay Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi Maxamed horaantii bisha abril 2010

Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho intooda badan waxay qaateen inay fuliyaan amarkii kasoo baxay madaxda Ururka Xisbul Islaam, amarkaasoo mamanuucay siidaynta muusikada iyo heesaha lga bilaawo maanta 13 abril .
Magaalada Moqdishu weli kama wada joogsan maqalka muusikada iyo heesaha waayo Dowladda ku KMG ah ee Soomaaliya waxay gacanta ku haysataa Raadiyo Muqdishow kaasoo aan u hoggaansamin amarkaasi.


Hadaba guud ahaan idaacadaha magaalada  Muqdisho ayaa maanta fuliyay awaamiirtii looga dalbaday inay joojiyaan musikada iyo heesaha , waxayna  ka rajeynayaan Ururada Xizbul-islaam sida ugu dhaqsaha badan inay soo gaarsiiyaan wixi shacabka Soomaaliyeed loogu beddeli lahaa heesahi iyo muusikadii  lagu maaweelin jiray.

Add New Comment