Sanad guuradii 50 aad ee aas aaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo xus balaaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho


 
 12-ka April oo ah maalintii  la aas aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  ayaa maanta waxaa magaalada Muqdishu looga dabaal degay sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii la aasasay 1960-kii,xuska munaasabaddani ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

 
Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa u hambalyeeyay ciidanka qalabka sida,kadibna waxa uu ka hadlay waajibaadka saaran ciidamada xoogga iyo dhibaatooyinkii ay soo mareen burburkii dowladda,sidoo kale waxa uu digniin u diray xooggaga mucaaradka iyo dad uu ajaanib ku sheegay kuwaasoo uu yiri waxay ku suganyihiin gudaha wadanka Soomaaliya.

 Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Geelle Kaahiya oo ka hadlay munaasabadaasi  waxaa uu sheegay in marxalado  kala duwan ay soo mareen ciidamada xoogga dalka isagoo intaasi ku daray in ciidamo aad u tababaran oo diyaar garowgooduna uu dhameystiran yahay  in ay dhawaan la wareegi doonaan dhammaan deegaanada ay hadda gacanta ay ku hayaan Xoogagga Mucaaradka.
 "Abaabulka Ciidamadeena waa dhameystiran yahay, waana lagu tashan karaa, mar dhowna waxaa arki doontaan inaan ay ka dhabeyno wixii aad naga fileyseen, ma ahan Balan qaad maran waa balan qaad dhab ah"ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday.
 
 
 Munaasabadani oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay ruwaayado iyo suugaan, iyadoo madaxda Dowladda salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

Add New Comment