Howshii dayactirka Guriga Ummadda ka socotay oo la soo gabagabeeyey.



 Guddiga dayactirka Golaha Shacabka oo maanta shaaciyay  in la soo gabagabeeyay howshii dayactirka dhismaha Guriga Shacbiga ee magaalada Muqdisho oo dhowr bilood Socotey,waxayna xaqiiijiyeen in loo wada dhameystiray agabkii u suuragelin lahaa Mudaneyaasha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaliya howl maalmeedkoodu ay ku fulin lahaayeen.
 
 
 
 Waxaa maanta Saxaafada la hadlayay  Xildhibaan Axmed Diiriye oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya kana mid ahaa gudigii u xilsaarnaa dhismaha Guriga Golaha Shacabiga ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in uu dhammaaday dhismaha Guriga Shacbiga ee dhowrka bilood howsha dayactirka laga waday , kaasoo maanta wixi ka dambeeyana ay suutagal tahay in golaha  Baarlamaanku  Kalfadhiyadiisu ay si toos ah ugu qabsan karaan .
 
 
 
 Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa dhawaan shaaciyay in la qaban doono 15 ka bishan April fadhiyada baarlamaanka kaasoo lagu  qaban doono xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho oo dib loo dayactiray, haddi riyadaasi ay rumowdo waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo halkaasi ay ku shiraan mudanayaal Soomaali ah wixii ka dambeeyay dowladdii Milateriga ahayd ee Kacaankii 21kii Oktoobar 1969.
 

Add New Comment