Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo lagu soo dhaweeyay Degmada Jowhar


Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mduane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo dadweyne aada u fara badan.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha markii ay gaareen magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe  Cabdi Jiinow Calasow iyo xubno kale.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa inta ay ku suganyihiin Jowhar waxa ay kulamo la qaateen qeybaha bulshada, si ay ugu kuur galaan xaaladda dhabta ah ee halkaasi ka jirta.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa ay ka soo amba baxeen magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiisha ciidanka iyo qeybaha bulshada oo ay kala hadleen xaaladaha degmada ka jirta.


Add New Comment